Difference between revisions 133504 and 142818 on sowikiIlaahey waa kuma? Ilaahay waa ilaaha awooda badan ee abuuray dunidaan aan ku noolnahay. Ilaahey wuxuu abuuray cirka, dhulka, qoraxda, xidigaha, dayaxa iyo wax walba oo noole ah. ilaahey waa abuuraha abuuray dunidaan iyo wax walba. Ilaahey wuxuu siiyay dadka caqli oo ay ku fakaraan oo ay wax ku kala gartaan. ilaahey wax ka caqli badan ma jiro. (contracted; show full) Eebe waa Eebe cadaalad ah. Eebe jidka xaqa ah loo soo maro ayu dadka tusay.Raxmadiisu wax soo koobi karaan ma jiro.Abuurtiisa in badan baa caasi ah hadana Ilahey wuu uu kordhiya waqtiga ila ay xasuustaan oo toobad ilahay u celiyaan sii ay aakhiradooda seeginin. == Diinta Soomaaliya == Fahanka Islaamka: Sidee Islaamku xal u noqon karaa? Qore: C/raxiim C Shaafici Islaamku waa 99% diinta shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ku leeyahay taariikhdeena kaalin lama ilaawaan ah, maanta aynu jooganana awoodaha siyaasadeed ee [[Soomaaliya]] isku haya waa labo awoodood. Wadaado ay matalayaan maxaakimta Islaamka, oo aaminsan in Soomaaliya dib lugaha isugu taagi karto haddii dalka lagu soo dabaalo sharciga Ilaah. iyo dhanka kale dawlada KMG oo rumeeysan in cadaaladda lagu gaari karo qeybsiga qaab qab(contracted; show full)ka, oo waxaa horteena imaanaya fahankii Ibnu-Cabaas, ee ku aadanaa ujeedooyinka Islaamka kana fogaa xaraf ku dhagga. Laga soo bilaabo qarnigii kobaad illaa qarnigan aynu joogno waxaa socdo dadaalo joogto ah oo ay culimada ku cusbooneysiinayaan diinta, kalana dagaalamayaan bidcada, soo galootiga iyo waxwalba oo diinta ka weecinayo ujeedooyinkii ay u soo dagtay ineey gaarsiiso aadanaha. Taariikhda dheer ee Islaamka waxaad ku arkeeysaa fahan islaam oo kala gadisan, haddeey ahaan laheyd hertankii ka dhacay · Culimadii ku fogaaday in si falsafadi ku dheehantahay loo fahmo diinta, iyaga oo ku dooday in fakarka iyo caqliga yahay waxa ugu muhiimsan ee qofka muslimka ah Ilaah kula xisaabtmi doono iyo kuwii kale ee aaminsanaa in diinta laga ilaaliyo aqoonta soo galootiga ah, oo markaa maciin bidayay axaadiista iyo hadaladii laga sheegay saxaabadii iyo dadkii qarniyadii ugu horeeyay noolaa. · Culimadii fiq’higa oo xoogga saaray ineey umadda u kala cadeeyaan xalaasha iyo xaaraamta iyo kuwii kale sida Abu-xaamid Al-gazali, Ibnu-taymiya iyo culimo kale oo dareemay in diintu aheyn xalaal iyo xaaraam oo kaliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro qaybo saldhig u ah diinta oo uu fiq’higu ka tagay sida Iimaanka (caqiidada) iyo Akhlaaqda. Oo waxaad ka daalcan kartaa labadaan sheekh kutubtooda doodaha ay ka galeen arintan. · Culimadii Suufiyada, ee iyagna ku hawlanaa laylinta nafta iyo cibaadada joogtada ah, dayacayna noloshii kale ee aduunka iyo culimadii ka horyimid fahanka sidan ah, ee dadka u cadeeyay in suufayada teeda wanaagsan ay tahay tii nabi Muxamad SCW iyo saxaabadiisii laga dhaxlay, ee aduun iyo aakhiro labadaba loo shaqeeysanayay. · Culimadii u fahmay Quraanka in sida muuqata loogu dhaqmo iyo culimadii diiday fahanka xaraf raaca ah, ee dadka u sheegay in diintu leedahay ujeedoonyin (Maqaasid) guud oo waa weyn, iyada oo laga duulayana diinta lagu fahmo iyo in aayadaha quraanka ee isku moowduuca ka hadlaya laysu geeyo si micnaha iyo ujeedada dhabta ah loo helo. (contracted; show full) Haddaba fahan Islaam oo ka jawaabo dhibaatooyinka haaysto muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa lagu gaari karaa in dib loo eego maabaadiida Islaamka, raadraacna lagu sameeyo sidii Islaamku xal ugu noqday dadyawgii hore, sida bulshaddii ku dhaqneyd Madiina ee Aws iyo Khazraj, lana ifiyo hab- dhaqankii(Siiradii) Nabiga SCW uu ku gaaray guusha. Culimada Islaamka waxeey isla-ogolaadeen in Islaamku leeyahay afar mabaadi oo waaweyn waxa kalena ay hoos imanayaan:- 1. Ilaalinta Diinta: In la dhawro qofka diintiisa, sidoo kale xurriyadda uu u leeyahay inuu qaato diinta uu doonayo, iyada oo laga duulayo fahanka ah “Diinta khasab ma’aha xaq iyo baadilna weey kala cadaadeen”iii Taariikhda Islaamkana waxaad ka heleeysaa tusoolooyin badan oo muujinaya in Muslimiinta ay ahaayeen u gargaarayaasha xurriyadaha. Khawaarij oo aheyd koox ka falaagoowday Muslimiinta intooda kale, Sayyid Cali Bin-abudaalib, oo yaqiinay fahankooda guracan, goor horena gartay khatarta ay ku hayaan Islaamka, waxa uu waayay daliil u ogolaanaya inuu dagaal ku qaado, ilaa goor danbe iyaga ay weerar ku soo qaadeen Muslimiinta. 2. Ilaalinta Nafta: In la ilaaliyo nafta qofka, lana xushmeeyo waa mabda’a Islaam, Ilaah waxuu inoo sheegay inuu sharfay aadanahaiv. Waxeey taariikhda Islaamka sheegtay in Culimada badankood ay diideen ineey mubaayacov la galaan boqortooyinkii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, waxeeyna sabab uga dhigeen boqorradaa oo baneeystay dhiigga dadka. Somaaliya waxaad arkeeysaa in naftu tahay waxa ugu raqiisan, waxaana laga yaabaa kii dadka ku laaynayay jidka inuu masjidka uga horeeyo dadka kale, maxaa yeelay fahankiisa ka fog ujeedada diinta ayaa u waramay in qofka haddii uu tukado waxa kale oo dhan iska fududaanayaan oo uu janno ku danbeyn doono, Laakiin waxuu qoraanka kariimka ah inoo sheegayaa in qofkii dila walaalkiis si ulakac ah uu ku waarayo jahanamo. 3. Ilaalinta Caqliga:in laga ilaaliyo caqliga maandooriyaasha iyo waxkasta oo ka qaadayo masuuliyadda Ilaah saaray, sidoo kale laga ilaaliyo in la cuburiyo oo laga horistaago inuu fakiro isla markaana si xurriyad ah u cabiro waxa uu doonayo. Islaamkana waxa uu qofka ugu baaqayaa inuu fakiro xitaa markii uu doonayo inuu garto jiritaanka Ilaah iyo hagaagsanaanta diinta Islaamka. 4. Ilaalinta hantida ama hanaanka dhaqaalaha (haddii aan luqad casri ah ku sheego) sababtoo ah dhaqaalaha waa laf-dhabarka nolosha. Hantida la ilaalinayo waxa ay noqoneeysaa tan goonida ah iyo midda guud oo si caddaalada ah loo deeqsiiyo dadka ay ka dhaxeeyso. Sidoo kale in loo fududeeyo dadka sidii ay risqi xalaal ah u shaqeeysan lahaayeen. (contracted; show full)Prof. Axmed Cali Xayle Safiirkii Somalia u fadhiyay Zambia xiligii Dawladda Madaxweyne Saiyaad Barre waa: Dr. Michael Mariano Ali Dr. Michael xitaa wuxuu ahaa xubin baarlamaan oo la soo doortay xilligii Dawladdii rayidka ahayd. Jabuuti xitaa waxaa jiray muddo aan sii fogayn laba xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka oo midkood la yiraa Oblique Carton oo asal ahaan ka soo jeeda Borama. Dawladda KMG ah ee Sheekh Shariif madax weynaha ka ahaa Wasiirka u qaabilsan Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta waa nin Masiixi ahaa 30 sanno waana: Cabdi Xoosh. Dad kale ayaa jira oo ahaa wasiiro iyo safiiro oo aan kuu hayo haddii ad doonto. Teeda kale, fanaanadda caanka ah ee reer Hargeisa, Layla Kootali waxaa Masiixi ahaa aabbaheed iyo awowgeed balse iyadu Islaam ayay goor dambe noqotay. Layla Kootali aabaheed wuxuu ahaa sarkaal sare oo SNM-ta ka tirsan waana mujaahid aad loo qiimeeyo loona qadariyo inkasta oo uu ahaa Masiixi sida aabbihiis oo kale. * C/raxiim C. Shaafici, waxuu qoray maqaalka 05/11/2007, xilligaa oo ay gayiga Soomaaliyeed isku hayeen labo quwadood,oo kale ahaa, maxaakimta Ismaalka iyo DKG ee ay hogaaminayeen dagaal ogayaashii. Qoraaga waxuu ifinayaa, fahanka Islaamka ee ay wateen wadaadadii maxaakimta inuu ahaa mid aad uga fog fahanka saxda ah ee Islaamka, waxuuna ka digayaa fahankaa isaga ah. Waxaa qoraaga mawduucaan lagala xiriir karaa [email protected] [[Category:Diinta Soomaaliya]] All content in the above text box is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike license Version 4 and was originally sourced from https://so.wikipedia.org/w/index.php?diff=prev&oldid=142818.
![]() ![]() This site is not affiliated with or endorsed in any way by the Wikimedia Foundation or any of its affiliates. In fact, we fucking despise them.
|