Difference between revisions 186293 and 201491 on sowiki

'''Shiikh Maxamed Axmed Rooble''' (Boqolsoon) waxa uu ku dhashay Gobolka Galgaduud ee Dalka Soomaaliya.

Imaamku Allaah ha unaxariistee, wuxuu kaddib usoo wareegay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kasiiwatay waxbarashadiisii iyo daraasadiisii diiniga ahayd, isagoo aad ugu dheeraaday aqoonta culuumta Axaadiista rasuulka(NNKH), wuxuu aad dhinac walba wax ka ogaaday qaybaha axaadiista iyo funuuntiisa iyo waxa ay cilmigaan culumadu kutubtooda uga hadleen, Sidoo kale wuxuu Imaamku daraaseeyey ama bartay Cilmiga tafsiirka qur'aanka, qaybaha af-carabiga iyo Cilmiga fiqiga.
 Imaam Boqolsoon(Allaah ha u naxariistee), isagoo da'yar, isla markaasna kujira xilligiisii ardaynimo ayuu haddana bilaabay inuu uguntado faafinta iyo ugargaarka diinta Islaamka, wuxuu si gaar ah u dareemay in dadkiisa soomaaliyeed u oomanyihiin aqoonta diintooda muqaddaska ah, kadib imaamku wuxuu xoog naf iyo maalba leh saaray inuu casharro kaladuwan ka bilaabo daafaha magaalada muqdisho(guryo iyo Masaajidba), casharradaas oo ubadnaa barashada Axaadiista Rasuulka(NNKH) iyo muxaadarooyin, taasoo ay natiijadeedu noqotay in mujtamac weeyn oo Soomaalida kamid ihi ay qaabilaan soona dhaweeyaan diintooda, isla markaasna ay toosnaadaan.
BEESHIISA IYO KORITAANKIISA

waxa uu ku dhashtay magaalada guruceel allaha u naxariistee imaamka waxa uu ahaa nin ka dhashtay beesha habargidir/ceer .
imaamka waxa uu quraanka ku dhameeyay isla magaaladaas guruceel kadibna wuxuu u doontay cilmiga caasimada dalka oo markaas culumo badan ku nooleed.


(contracted; show full)




{{gumud}}

[[Category:Shaqsiyadaad]]