Difference between revisions 92046 and 92047 on sowiki

                                            Maxay Diinta ka qabtaa Tusbaxa?

Al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu ku yiri as-Silsila ad-Daciifa (1/110) markuu faaqidayey Xaddiiska "نعم المذكّر السبحة" ”muxuu wax lagu digriyo yacni lagu xasuusto oo wanaagsan Tusbaxa uu yahay” waa (Xaddiis lagu been abuurtay Nebiga ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee):  Midda kale Xaddiiska marka laga eego macnihiisa waa waxba kama jiraan agteyda arima(contracted; show full) jirto Tusbax! Waxay u muujinaayaan dadka ineysan hilmaameyn Digriga yacni xuska Eebbe ilbiriqsi xataa. Waxayna inta badan sabab u noqotaa Bidcadan in la dayaco wax waajib ah.  Waxaan la kulmay in badan – ayna la kulmeen sidoo kale dadka kaleba – inaan salaamay mid iyaga ka mid ah iigana qaaday salaantii baaq ahaan isagoo aan ku dhawaaqin salaantii. Xumaanta ay leedahay Bidcadan lama soo koobi karo, maxaa ka wanaagsan wixii uu yiri gabayaaga:

Wanaag oo dhan wuxuu ku jiraa in la raaco dadkii hore ”Salafka”
. 
Xumaan oo dhanna waxay ku jirtaa wixii cusub ee gadaal ka yimid ”Bidcada”

Diyaariye CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa”  [email protected]  http://www.freewebs.com/ina-warfaa