Revision 108633 of "Jaarso" on sowiki

Jaarso ( oday ) erayga Jaarso micnihiisu waa Oday magaca dhabta ah ee odayga ay ku aftirsadaan dadka ka soo jeeda Qabiilka Jaarso waa SHEEKH JAABIR, sababta Jaarso (odayga) loogu bixiyayna waxay ahayd maadama uu Sheekhu ahaa odayga reerka. halkaas ayuuna magacu ka raacay.
 
Jaarso waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta DIR, MADAX WAYNE DIR , qabiilka jaarso wuxuu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba.
 
Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay  boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopian Waxaana la odhan jiray JAASRO SULTANATE  boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray iyaguna dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha,jaamacadaha iyo iskoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray SULTANATE OF DAWARO  ( Dawaro waa jilib ka mid ah qabiil waynaha Jaarso ).
 
Taariikhaha caanka ah ee Qabiilka jaarso ( Reer Sheekh Jabir ) ma aha wax aan qoraalkan kuwada sheegi karno hadaanse isku dayo mid iyo laba, waxaa ka mid ah doorkii ay ka qaadatay halgankii Axmed Gurey iyo dagaalkii qadhaadhaa ee ay lagashay Taliskii macangaga ahaa ee XAYLE SALAALE sanadku markuu ahaa 1940 kii, dagaalkaaso looyaqaan dagaalkii  KANOONIGA, aas aaskii ururkii dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL iyo aas aaskii  Jabhadii Horyaal ee ay Beeshu ka midka ahayd qabiiladii ugu awooda badnaa kana danbeeyay in la sameeyo Jabhadii HORYAAL.
waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa Laba xeer oo soo jireen ah misena caan ah xeerarkaas oo ay isku maamulaan ilaa iyo al aankan, xeerkaas oo la yidhaahdo Xeerka Jaarso kaasoo lagu aas aasay Tuulada Tuli Foqasho.
Qabiil waynaha  Jaarso waxay ku fadhiyaan dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia, waxayna ku xoogan yihiin Ismaamulka Somalida Ethiopia iyo Kan Oromada, Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba af oo kala ah Afka Somaliga iyo Afka Oromada, markaan lee nahay afka oromada inta ku hadasha waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 45% inta ku hadasha afka somaligana waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 55% .

Reer Sheekh Jaabir ( Jaarso) waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta beelaha  ay wada degaan taasina waa dabeecadaha ay caanka ku yihiin.
Qabiilka Jaarso deegaanada ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah : 
1. Degmada Jigjiga
2. Degmada Jinacsani
3. Degmada Ajasa Koora
4. Degmada Baabili
5. Degmada Gursum,Bombas,Dhagaxle,Xaadaw,Ordo
6. Degmada Hawaday
7. Harar,Haramaya,Diridawa,Naserat,Baali,Dhangago
8. Degmada Tuli Guuled
9.  Qaybo Badan oo ka mid ah kililka  oromada
10. Gobolka Liibaan
 
Sheekh Jaabir (Jaarso)  wuxuu dhalay  (6) wiil sida la sheegana Sadex waa isku bah sadexda kalana waa isku bah waxaana loo kala qaybiya Labada Bahood Bah Midig iyo Bah Bidix waxayna kala yihiin :
 
1. Beesha Waro Dhaqo ( Reer Dhaqo )
2. Beesha Waro Sayo ( Reer Sayo )
3. Beesha Walaabi
4. Beesha Waro Oogo ( Reer Oogo )
5. Beesha Dawaro
6. Beesha Oroma
 
Erayga `Waro` waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay `Reer´
 
1. Beesha  Dhaqo  waa  (7) Jilib 
Wara Yan’a
Wara Yaanyo Igo
Wara Maxamed
Wara Yaanyo Guyo
Wara Akaako
Wara Areelo
 
2. Beesha Sayo waa  (3) jilib 
Wara Buuko
Abiye
Oroma
 
3. Beesha Walaabi waa  (3) jilib 
Wara Cusmaan
Wara Cumar
Baalcad
 
4. Beesha Dawaro
 
5. Beesha Oogo
 
6. Beesha Orama
 
F.G. Fadlan wixii Talo iyo Tusaaleba ah ama Sixid aad naga Saxaysid Wixii ka Qaldan Qoraalkan iigu Soo Hagaaji Ciwaankan
[email protected]