Revision 110184 of "Jaarso" on sowiki

[[File:Jaarso.jpeg|thumbnail|Astaanta Qabiilka Jaarso.]]

[[File:Jaarso|0.5px|thumbnail|none|waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta [[Dir]], [[Madaxwayne Dir]] , qabiilka [[jaarso]] wuxuu ka mid yahay beelaha [[Soomaaliyeed]] ee daga [[Ethiopia]] kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba]]


Qabiilka [[Jaarso]] wuxuu dagaa wadanka [[Ethiopia]] gaar ahaan kililada [[Soomaalida]] iyo kan [[Oromo]]-da, magaaloyinka ay asal ahaan u dagaan waxaa ka mid ah [[Jigjiga]], Tuli Guleed, [[Jinacsani]], [[Ejersa Goro]], [[Baabili]],[[Gursum]], Bombas,[[Dhagaxle]], Xaadaw,[[Ordo]], Hawaday,[[Fayaanbiro]], Fayaan Hujubo, Kombulsho, [[Harar]], Haramaya, [[Diridawa]], [[Dadar]], [[Baali]], Dhangago,  qaybo ka mid ah [[Awash]], sidoo kale gobolka [[Gobolka Liibaan]].


<big>

Umada [[Jaarso]] waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka [[Ethiopia]] Waxaana la odhan jiray [[JAASRO SULTANATE]] boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray  dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha, jaamacadaha iyo iskoolada wadanka [[Ethiopia]] waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray [[DAWARO SULTANATE]], ([[Dawaro ]] waa jilib ka mid ah qabiil waynaha [[Jaarso]] ), Boqortooyadaasi waxay lahayd xeer caan ahaa oo ay ku maamuli jirtay in badan oo ka mid ah dalka ethiopia xeerkaas oo loo yaqaan xeerka jaarso ilaa iyo hadana ay isku maamulaan dadka ku aftirsada qabiil waynaha jaarso.


==== Taariikh ====



 Taariikhaha Dhulka Jaarso
Qabiil waynaha Jaarso wuxuu Rabbi ku manaystay dhul barwaaqa ah oo aad u wanaagsan kuwasoo raadad taariikheed leh. raadadka taariikheed ee dhulka jaarso caanka ku tahay waxaa ka mid ah 

[[File:Imaam Axmed Guray.jpg|thumbnail|Masaajidkii ugu Horeeyay ee uu dhisay Imaam Ahmed Gurey]]
[[File:Ifat.png|thumbnail|Dakar caasimadii labaad ee Ifat Sultanate]]

* Tuuladii uu ku dhashay [[Imaam Axmed Guray]] Raximulaah iyo Masaajidkii ugu horeeyay ee uu yagleelay Imaamku kuna yaala ilaa iyo hada tuulada qadiimiga ah ee loo yaqaan [[Derbiga]].
* Magaalada [[Ejersa Goro]] oo uu ku dhashay boqor [[Haile Selassie]] sanadkii 23 July 1892.
* Caasimadii Labaad ee Boqortooyadii [[Ifat Sultanate]] laguna magacaabi jiray [[Dakkar]] magaaladaas oo hada loo yaqaan [[Jinacsani]].
* [[Tuli Foqosho]] oo ah tuuladii lagu aas aasay [[xeerki Jaarso]], goobtaas oo ay laba( 2 ) sano fadhiyeen waxgaradka [[Jaarso]] si ay u sameeyaan xeerkaa.



'''Taariikhaha caanka ah ee Qabiilka jaarso,waxaa ka mid ah :
''' 

* Boqortooyadii [[Jaarso Sultanate]] ee ka talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah dalkan [[Ethiopia]],
* Boqortooyadii [[Dawaro Sultanate]].
* Kaalintii ay ku lahayd [[Ifat Sultanate]].
* Dagaalkii [[Jaarso]] iyo Boqortooyadii [[Menelik]] ee loogu magac daray [[JALANQO]]. 
* Doorkii ay ka qaadatay halgankii [[Imaam Axmed Guray]].
* Dagaalkii qadhaadhaa ee ay lagashay Taliskii macangaga ahaa ee XAYLE SALAALE sanadku. markuu ahaa [[1940 kii]], dagaalkaaso looyaqaan dagaalkii [[KANOONIGA]]. 
* Aas aaskii ururkii dhalinyarada xornimadoonka  soomaaliyeed ee [[SYL]].
* Dagaalkii hubaysnaa ee ay la gashay Dowladii kaligii taliye Mingistu iyo aas aaskii  Jabhadii [[Horyaal]] ee ay Beeshu ka midka ahayd qabiiladii ugu awooda badnaa kana danbeeyay in la sameeyo Jabhadii HORYAAL.

 
waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeerka soo jireenka ah ee lagu magacaabo [[Xeerka Jaarso]] kaasoo u kala baxa  Laba Qaybood , xeerarkaas oo ay qabiilada kale usoo doonan jireen si loogu kalo saaro marka ay is qabtaan dhexdooda iyagoo odhan jiray waa in aynu ku kala baxnaa [[xeerka jaarso]] , xeerkaas oo lagu aas aasay tuulada qadiimiga ah ee lagu magacaabo [[Tuli Foqasho]]. Qabiil waynaha [[Jaarso]] waxay ku fadhiyaan dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia.

Umada [[Jaarso]] waa umad ku hadasho laba luuqadood, [[65%]] waxay ku hadlan [[Af-Oromo]] [[45%]] waxay ku hadlaan [[Af-Soomaali]].


Qabiilka [[Jaarso]] waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta beelaha  ay wada degaan waxaana daliil kugu filan qabiilada kale ee ay soo dajiyeen dhulkooga iyagoo siiyay beero ay quutan iyo deegaan u gaar ah taasina waa dabeecadaha ay caanka ku yihiin.

== Qabiilka Jaarso wuxuu u kala baxaa: ==
Jaarso wuxuu dhalay (6) wiil sida la sheegana Sadex waa isku bah sadexda kalana waa isku bah waxaana loo kala qaybiya Labada Bahood Bah Midig iyo Bah Bidix waxayna kala yihiin 
 
[[File:Bah Midig|thumbnail|# Beesha Walaabi #                            (  # Beesha Dawaro                                    # Beesha Oroma]]
[[File:Bah Bidix|thumbnail|# Beesha Waro Dhaqo                                                 # Beesha Waro Sayo                                         # Beesha Wara Oogo]]
# Beesha Waro Dhaqo ( Reer Dhaqo )
# Beesha Waro Sayo  ( Reer Sayo )
# Beesha Walaabi
# Beesha Waro Oogo  ( Reer Oogo )
# Beesha Dawaro
# Beesha Oroma


 
Erayga `Waro` waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay `Reer´


1. Beesha Dhaqo waa (7) Jilib
               * Wara Yan’a
               * Wara Yaanyo Igo
               * Wara Maxamed
               * Wara Yaanyo Guyo
               * Wara Akaako
               * Wara Areelo
 
2. Beesha Sayo waa 3 jilib 
               * Wara Buuko
               * Abiye
               * Oroma
 
3. Beesha Walaabi waa 3 jilib 
               * Wara Cusmaan 
               * Wara Cumar 
               * Baalcad 
  
4. Beesha Dawaro waa 8 Jilib
               * Wara Botor
               * Wara Murjaan
               * Wara Abraan
               * Wara jido
               * Wara Ya'a
               * Wara Baro
               * Wara Salow
               * Wara Qaalu
 
5. Beesha Oogo 
 
6. Beesha Orama waa 6 Jilib
              * Wara Xamido
              * Wara Cali
              * Wara Diyo
              * Wara Ayaago
              * Wara Wardu
              * Wara mala halaku

</big>