Revision 110900 of "Cali maxamed Geedi" on sowiki

[[Taariikh]] nololeedkii ra'iisul wasaare

'''Cali Maxamed Geeddi''' waa Ra'iisul Wasaarahihii hore ee Dowladda Federaalka [[Soomaaliya]] waana mas'uulkii ugu shakhsiyada fiicanaa ee soo mara Dalka Tan iyo 1990 xiligaas oo u dalku Foowdada galay.
waxaa uu ku dhashay magaalada [[Muqdisho]] sanadkii [[1952]]-kii wuxuuna ku soo barbaaray isla magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa hoose dhexe iyo jaamacadda ku qaatay magaalada Muqdisho.

sanadkii [[1978]]-kii ayuu dalka [[Talyaaniga]] jaamacad ku taal oo la yiraahdo Pisa ka qaatay shaahadada Phd, sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha wuxuu ka baxay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybteeda Kuliyadda Daawada iyo xanaanada xoolaha, sanadkii [[1983]]-kii ilaa [[1990]]-kii wuxuu macalin ka ahaa Jaamacadda Ummadda qeybteeda Daawada iyo xanaanada xoolaha, sanadkii [[1992]]-kii wuxuu ahaa Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Xanaannada Xoolaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose

sidoo kale Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi wuxuu shaqooyin fara badan kasoo qabtay xafiiska Midowga [[Afrika]] qeybteeda xanaanada xoolaha isagoo noqday mas'uul u qaabilsan la tashiyada ganacsiga xoolaha iyo suuq geynta isagoo la soo shaqeeyay sanadkii [[1997]]-kii shirkaddaha Ramadaan iyo Dayax oo ka shaqeyneysay Magaalada Muqdisho iyo dalal afrika ah.

Cali Maxamed Geeddi wuxuu ka soo shaqeeyay dalal fara badan oo ka mid ah Afrika isagoo hey'addaha Samafal la shaqeynayey, Ra'iisul Wasaaraha wuxuu kaloo ka qeybgalay shirarkii dib u heshiin ee dalka loogu raadinayay xal u helida arimaha Soomaaliya, wuxuuna ka qeybgalay shirarkii lau qabtay dalalka Qaahira isagoo xoghayaha guud ee shirkii lagu qabtay magaalada Balad Weyne oo ay ku kulmeen gobolada adhexe iyo kuwo ko9onfureed, Md. Cali MAxamed Geedi wuxuu kaloo ka qeyb qaatay sidii shacabka Soomaaliyeed ay dib u soo celin lahaayeen xasiloonidii iyo kala danbeyntii dalka isagoo abaabulay siminaaro lagu baranyo xalinta iyo maareynta colaadaha.

[[1994]]-kii ayuu noqday Guddoomiyaha NGO-yada Soomaaliya oo xarunteeda aheyd magaalada Muqdisho halkaasoo uu ka waday howlo lagu horumarinayo Ururada NGO-yada ee ka shaqeeya arimaha Bulshada.

[[Category:Soomaaliya]]

By:- Mohamed Abdikarim Hashi * Mr Kadiye*