Revision 133878 of "Cidagale" on sowiki

Ciidagale (Magaca Saxda ah waa CIIDANGALE) waa beel ka mid ah Beelaha GARXAJIS EE [[Isaaq]].
== Faahfaahin dheerad ah ee Ciidagale Magaca saxda ah waa CIIDANGALE ==

Sidan ayuu u kala baxaa ciidagale  Ama Ciidangale: 

1.Maxamed Dauuud Oo Guyoobe Loo yaqaan, Waa Curadkii Ciidagale

2.Aradaga bilaal iyo Gobdoon= midkaan waxoo u kala baxaa oo kaliya Gobdon iyo Bilal.

3.Aradaga baha dhamal= Xassan Ciise, Liibaan Ciise Iyo Dhamal yaryar.

4.Aradaga Danwadago= Yonis iyo Bahadaylo.

5.Aradaga Gashanbuur= reer buurale+reer roble + reer xamud+reer Ergin+reer reer Bare Wagar+reer muse.

6.Aradaga Cabdi Ciise=reer Guuleed+reer Aadan+Cabdi Bari+reer Kuul+reer Cawad+reer Warfaa+reer  ileeye

7.Aradaga Abokor Muse= adan abokor+hassan adan+reer caawl.

8.Aradaga baha Duqsi= Reer idle+reer bare+idle ismail+abdi Dharee+ciise



 Magaca dhabta ah waa Daud ismaaciil Sheekh Isaxaaq Bin Ahmed bin Maxamed;
(sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Ciidagale) waa beelaha ugu waaweyn ee Qawmiyada isaaq.

Cidagale waa beel ka mid beelaha isaaq ee magaca iyo maamuska qotoda dheer ku dhex leh soomalida,waa beel ilaahay ku manaystay dhaman wax dad lagu majiirto ee wanaag ah haday noqoto geesinimo,hogaan,xeer beegti,indheer garadnimo iyo aftahanimo ay soomali kaga mudheen iyadoo la sheego in 100 ninee beesha ciidagale ah ay 99 gabyi jireen hal midhka soo hadhayna uu afaray tuuran jiray iyadoona uu ka soo jeedo ninku ugu gabayga badnaa soomali waa XAYE GALYDH  oo muddo sadex bilood oo xidhiidha waday gabay aan kala joogsi lahayn.ciidagale siday taariikhdu qorayso waxa weeyaan reerka asal ahaan u leh magaalda hargaysa iyagoona lahaa sees dhigii koobaad ee magaalada.                                                                        intaas waxa dheer beesha ciidagale in ay leedahay saldanada ugu dheer beelaha isaaq dhexdooda iyagoo ay tirsadaan ilaa 8 suldaan.saldanaas oo xukumaysay dhul waynaha ay dagto qoomiyada isaaq muddo aad u dheer oo ku qiyaasan 2 qarni saldanadaas oo ilaa hada magac iyo maamuus ku leh isaaq iyo soomaliba dhexdeeda kana soo jeedo suldaanka guud ee beelaha somaliland.
ka gayoon mayno hadaynu si dhex gelno taariikhda dahabiga ah ee beesha laakiin aan wax ka yidhaahdo hal abuuradii,fanaaniintii,mujaahidiinta iyo siyaasiyiibnta beesha ee baalka dahabiga ah kaga qoran taariikhda aan ku horeeyo abwaanada la ladin waayay ee beesah ee hore iyo kuwa danbaba waa CABDIGAHAYR,QAWDHAN DUCAALE,XUSEEN XASAN.FAARAX CALI JAAR,CAWAD QAMAAN,SHARMAARKE AADAN,XAYE GALAYDH,XASAN TARABI. hadaan intaas kaga kaftoono abwaanadii hore aan u imaado ku danbe ee qarnigii tagay iyo kan aynu ku jirno isku laba rogay badaha kala duwan ee maansada soomaaliyeed aan ku bilaabo macallinka int abadan ku guulaysta shahaadoyinka dhaqanka laguna tilmaamo karo aabaha dhaqanka soomaliyeed waa MUUSE CALI FARUUR.MUXUMED AW CALI MASMAS, XILDHIBAAN DHEEG,CAYNAB,BASHIIR,HURYO,QORANE IYO CABDIWAAXID CALI GAMADIID hadaan xagaas kaga soo jeesto abwaanada iyagoo intaasi tusaale uun tahay aan u soo galo xaga fanaaniinta aan ku bilaabay heeesaagi la loodin waayay soomaalina kaga mudhay kuna caan baxay codkiisa luxdana ee lagdana, doobtiisii layaabka laahyd iyo kamankiisii 12 laha ahaa ee uu soomali kalida ku aha waa AL USTAAD MAXAMED MOOGE LIIBAAN, aan ku lifaaqo walaalkii aan ka dhicin AXMED MOOGE LIIBAAN,MUUSE ISMAACIIL QALINLE,MAXAMED JAAMAC JOOF,MAXAMED YUUSUF AXMED,MAXAMED CUMAR HURYO IYO HOOYADII FANKA COD DAHABLAY MAAMO KHADRA DAAHIR CIGE intaas hadaan ku soo dhaafo fanaaniinta una galo mujaahidiinta MAXAMED MOOGE LIIBAAN,IBRAAHIM KOODBUUR,SAAJIN GODHGODH,MAXAMED BAARUUD,CABDILAAHI XERO iyo qaar kaloo badan xaga siyaasiinta waa CALI SANYARE,XUSEEN MAXAMUUD JICIIR,DHOOLARE, CABDILAAHI CUKUSE,MAXAMED MUUSE ABEES,IBRAAHIM BUUBAA,ISMAACIIL BUUBAA,JAAMAC SHABEEL,JAAMAC YARE,IYO FAYSAL CALI WARAABE iyo in kale oonan magacooda halkan ku sheegin waxba yaana hadal idinku daaline waa beel ilaah u dhamaystiray dhamaan waxyaanah wanaagsan ee cid lagu sheego waxa dhaboobay gabaygii xasan tarabi ku lahAA.
CUQAAL TALISA,BOQOR CAADILA IYO CULIMO MIISAAN LEH.
ILAAHII CARSHIGA NUURAYOW KAAGA CABAN MAYNO.
CADAANKAANU WADA LOOLANA MADAW CISAYN MAYNO.
anuuna hadalka ku soo afmeeray ilaahay ha u siyaadiyo karaamda iyo sharafta h akuna sugo xaqa beesha iyo beelaha kale ee isaaq iyo kuwa soomaliyeedba.
ALAA MAHAD LEH.kaarshe cadde














[[Category:Isaaq]]
Kaarshe Cade