Revision 145589 of "Gedo" on sowiki

gobalka gedo waxa uudhacaa koon furta soomaaliya waxaana daga beeshamareexaan waloo ay jiraan dad fara kutiris ah ooladaga hayeeshee ilaa intii laxasuusta waxaa dagi jiray beeshamareexaan magaalooyinka qaar sida baardheere,luuq, iyo buurdhuubo, waaya magaa looyinka ay dagaan dadka fara kutiriska ah inta kale waxaa kali ah ooda beesha mareexaan waa xaqiiqa warka kan cid ale cidii dood qabta ayadaa taqaana meelay gayni waa warka xaqiiqda

== Taariikh ==
Gedo waxay ku jirtay deegaano Soomaaliyeed oo nooc walba oo gumeysi ah la dagaalantay; Gaalo Madow ilaa gumeystihii reer Yurub. 

Xiligii u tartanka Afrika ee reer Yurub ay ku boobeen khayraadka dhulka, badda iyo muruqa dadka rer Afrika, dhulka Gedo waxaa ka dhacay dagaalo caan ah. Gaalo Madow ayaa waxaa ku kacay xoogag reer Gedo ah oo ka dhiidhiyay awoodii ay ku maquunin jireen dadka iyagu arxanka aan lahayn ee Gaalo Madow. Abaanduulayaal caan ah ayaa ciidamo isku duwday kuwaas oo berigii dambe Geelayda geiyga ay meerin jireen, "Waxay cuntiyo, ceel ay ka cabto ma waynine, Cabdille Gaab, Sheekh Cali iyo Ciyaa u jooga." Baardheere ilaa Baraawe ayaa ciidamo laga abaabulay kuwaas oo wiiqay awoodii gaalo madow ilaa lagu eryay xaduudaha Kiinya iyo Itoobiya.
Gobolka gedo mareexaan waxa uga badan beelaha digil iyo mirifleh

== Gobolnimadii iyo Degmooyinka Gedo ==
Maamulkii gumeysiga iyo dowladihii dhexe ee Soomaaliya badadiyaa iskuma mashquulin maamul hoosaadka ummada Soomaaliyeed. Talyaani iyo Ingiriis mar walba danta ay ka lahaayeen Soomaaliya ayay fushanayeen markii la iska rogay reeryada gumeysi, Dowladihii kadanbeeyey wax horumar ah oo lataaban karo kama ayan sameynin gobolka Gedo oo kamid ah gobolada ugu khayraadka badan Soomaaliya.

Gedo waa gobolka kelliya ee Soomaaliya ku yaal ee ey maraan laba webi Sida degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow waxaa mara wabiga Daawo, halka degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere uu Maro webiga Jubba, Degmada Luuq waa meel Jasiirad oo kale ah oo biyo ku hareereysan yihiin waxaana laga galaa Buundo aad u weyn oo ey dhistey Dowladii Hore ee Soomaaliya waana meelaha Soomaaliya ugu Barwaaqada badan oo sanadka oo idil dhirteedu ey cagaaran tahey,degmada Luuq waa halka uu ka bilowdo wabiga Jubba waxaana uu ka semysaa isku darka Sadexda webi ee Ganaane, Daawo,iyo weyb ee ka kala yimaada dalalka Kenya iyo Ethiopia waxaa kaloo jirta iyana il biyo leh oo u dhow degmada oo qeyb weyn ka qaadata biyaha webiga Jubba. dhamaan degmooyinka Gobolka intiisa badan waxaa degan beesha Mareexaan. Qaar ka mid ah tuulooyinka Degmooyinka Luuq waxaa wax ka dega Beelaha Raxanweyn iyo Dir,daaqa iyo Khayraadka gobolka waa mid loo wada siman yahay.

== Ganacsiga Degmooyinka Gedo ==
Nolosha dhaqandhaqaale ee gobolka Gedo wuxuu ku salaysanyahay lafdhabarna ah xoolaha nool iyo waxsoosaarka beeraha.

Gedo waa gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed ee hodanka u ah beeraha, xoolaha nool. Waxaa intaas goblka Gedo u dheer isaga oo dhaca xaduudo in ganacsiga u kala goosha wadamada uu xarun dhexe u hayay. Magaalooyinka [[Baardheere]], [[Luuq]] iyo Balad Xaawo ayaa ugu dhaqdhaqaaq badan.

== Waxbarashada ==
Gobolka Gedo waxaa ka dhisan nidaamyo waxbarasho walow aysan jirin dalad midaysa iyo Gudoon Waxbarasho oo heer degmo ama gobol ah.

Magaalooyin madaxda degmooyinka Gobolka Gedo sida Baardheere, Garbahaarreey, Luuq iyo Buurdhuubo waxaa ka jira dugsiyo waxbarasho oo leh heerar kala duwan. Magaalada Baardheere waxaa ku yaal Jaamacada Gedo iyo Kulyada Farsamada Baardheere ee [[Bardera Polytechnic]].

Ururo waxbarasho oo dadaal muuqda ka wada gobolka ayaa waxay maamulaan iskuulo leh heer hoose/dhexe ilaa sare. Waxaa ururadaas ka mid ah HIRDA, SEHO, G.E.D.O, iyo Markaleey Foundation.


== Degmooyinka gobolka gedo ==

Waa sideed dagmo
* 1 [[baardheere]]
* 2 [[Luuq ganaane]]
* 3 [[Doolow]] 
* 4 [[Garbahaarey]]
* 5 [[Buurdhuubo]]
* 6 [[Ceel Waaq]]
* 7 [[buraa jano]]