Revision 155007 of "Gaaljecel" on sowiki

'''Gaaljecel  Saransoor  Garjante Gardheere Samaale''' 

Beesha Gaaljecel waa beel nabadeed aadna u jecel diinta, waa qabiilka ugu geela badan guud ahaan Soomaaliya.

Beesha Gaaljecel waxay kamid tahay beelaha ugu waaweeyn soomaaliya waxaayna dagtaa gobolada kala ah sida

Hiiraan SHabelaha dhexe SHabelaha hoose Jubada dhexe  Jubada hoose Baay  Bakool iyo Banaadir 

beeshu waxa ay caan kutahay xoolada qaasatan Geela sidaas darteed ayaa loo yiraahdaa Gaaljecel oo ah

Geeljecel sidoo kali waxa ay caan ku tahay beeshu gaala nacayb iyo diin jaceyl  iyo ladagaalanka gumeysiga

beesha Gaaljecel waxaa kadhashay halyaygii weynaa ee la dhihi jiray Sheekh Hassan Barsane oo sitoos ah ula 

dagaalamay ciidamadii Talyaaniga iyo ciidamadii Amxaarada  taariikhdu markey ahayd 1905 ilaa 1923 kii

beeshu waxa ay ukala baxdaa sidaan

'''GAALJECEL''' waxa uu ukala baxaa

1=BARSANE  

2=SORANLE

'''SOORANLE''' waxa uu ukala baxaa

1= DIRISAME

2= DOWRAAQ

'''DIRISAME'''  waxa uu ukala baxaa 

1=GIRGILIS 2=WAASUGE 3=DOQONDIIDE

'''DOWRAAQ''' waxa uu ukala baxaa

1=ABTISAME DOWRAAQ

2=MILAAX DOWRAAQ

3=LUHUBA DOWRAAQ 

'''LUHUBA''' waxa  uu ukala baxaa

1=CALOOFI LUHUBA

2=BEES  LUHUBA

3=CUMAR LUHUBA

'''CUMAR LUHUBA''' waxa uu ukala baxaa anigoo soo koobaayo

1=CAAFI  2=EREBALLA  3=DHEEMOOW  4=SUGOOW  5=ODACAD  6=MAGAN  

7=AAMIN  8=DHOOROOW 9=CIRAAQ 10=FAARAX XERSI  11=MACAAWIYE 

'''Haddaba Boqortooyada Gaaljecel oo sida aan kor ku soo xusnay soo maray 22-Ugaas oo badankood la soo shaqeeyay Khilaafooyinkii jiray ayaa waxay kala yihiin:-'''

1. Ugaas Xaaji Saalax

2. Ugaas Axmed

3. Ugaas Dheylar

4. Ugaas Hufane

5. Ugaas Mandaluug

6. Ugaas Diinle

7. Ugaas Cabdisalaam

8. Ugaas Dhoore

9. Ugaas Caamir

10. Ugaas Abroone

11. Ugaas Mahad-Alle

12. Ugaas Erebelle

13. Ugaas Dhaayow

14. Ugaas Diini

15. Ugaas Maxamed

16. Ugaas Nuur

17. Ugaas Cumar

18. Ugaas Maxamed

19. Ugaas Jirow

20. Ugaas Cilmi

21. Ugaas Muxumud

22. Ugaas Cabdullaahi [[Https://runjecel.wordpress.com/2015/05/07/taariikhda-kooban-ee-ugaas-cabdullaahi-ugaas-muxumed-ugaas/|Cabdullaahi]]

waa qayb yar oo hordhac u ah buug ku lagu magacaabay

 Taariikhda Tolweynaha Gaaljecel Samow

 Boqortooyada Gaaljecel oo ka mid ahayd Boqoradii hoos imaanaayay khilaafada islaamiga Cusmaaniyiinta waxay door weyn ka qaadatay adkeynta midnimada muslimiiinta gaar ahaan geeska Afrika iyo dunida Muslimka oo idil, waxay kaloo xiriir toos ah la lahayd Khaliifkii Cabdulxamiid Taani (II).

Sanadka markuu ahaa 1876-dii ayuu Khaliifka muslimiinta ee Cusmaaniyiinta wuxuu amar ku siiyay dhammaan caalamka islaamka inay ka hor tagaan weeraradii ugu imaanayay dhanka gumaystihii reer Yurub , oo marba marka ka dambeeya isa soo tarayay dhulal badan oo Islaam lahaana lagu qabsaday.
Boqortooyada Gaaljecel waxay xilligaasi ka mid ahayd Boqortooyooyinkii u hoggaansamay awaamiirtii wax iska caabinta ee uu bixiyay  khaliifkii Muslimiinta Cabdul Xamiid Taani waxayna door weyn ka qaadatay abaabulka iyo adkeynta midninmada Islaamka guud ahaan gaar ahaan tan Geeska Afrika, taasoo looga hortagay gumaystaha ku soo duulay dhulka musliimiinta.
Boqortooyada Gaaljecel oo ah mid facweyn oo taariikh lama iloobaan ah ku leh dunida Musliimka ayaa waxay xiriir la lahayd ilaa 1924-tii khulafooyinkii jiray oo uu ugu dambeeyay Cabdul-Xamiid Thaani oo ahaa khilaafkii ugu dambeeyay dowlah Cusmaaniyah.
Sanadkii 1884 miilaadiga waxaa shir balaaran uu ka dhacay magaalada Baarliin ee caasimada Jarmalka, shirkaasi oo lagu qaybsaday dhulalkii ay ka talineysay khilaafada Cusmaaniyiinta ee marba marka ka danbaysa sii liicaysa.  Dhulalkaasi waxaa lagu magacaabay eray bixin ahaan Dhaxalka ninka jiran.  waxaa ka soo qayb galay kulanka dalalka reer Yurub barigaasi ugu xoogga roonaa , iyo boqortooyada guunka ah ee Xabashida. 
Dhulka Soomaalida dagto ee geeska Afrika waxaa loo qaybiyay shan geesood, waloow ay ku heshiiyeen kolka hore gumeystayaasha midba inta uu sadbursi ahaanta u helay, hadana loolan iyo lagdan adag ayaa u dheexay dhexdooda si dal kastaba uu asaga u qaato qaybta ugu haboon dhulalka la qaybsaday. 
Dowladaha Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Xabashida waxay ku tartamaayeen dhulalka Soomalida si dal kastaba u daboolo damaacigiisa ku wajahan boobka khayraadka kala duwan ee dalkeenna Rabbi ku manaystay. 
Waxayba taasi sababtay in gumeystayaasha dhexdooda uu ka dhex qarxo dagaalo lagu hoobto ,oo hadba kooxda guulaysto ay gumaad kula kacdo muslimiinta aan wax galabsanin ee korkooda lagu loolamaayo. 


[email protected]