Revision 91649 of "Taariikhdii Faarax Gaarane Faatule" on sowiki==Faarax Gaarane Faatule== Magaceygu waa faarax gaarane faatule waxaan kudhashey caasimada mugadisho ee dalka somalia sanadii 20 july 1992 xiliyadii ay ka cusboonaayeen dagaaladii sokeeye ee hareeyey dallkii somalia illaa hadana aan daba dhamaad laheyn, isla sanadkaas gudihiisa ayaa waxaa iisuurta gashey in aan isaga soo tago dalkii anigoo usoo kacatimey. Dalkan ethiopia gaar ahaan gobolka godey ee dowlad deegaanka somalida ee ethiopia maadaama aan udhashey gobolada somali galbeed hadana waxaan kusoo bar baarey isla gobol kamid ah runtii noloshu waa silsilsad hadba meel ayey kuu jiidataa. Gobolka godey waxaa iiga bilaabantey nolol cusub taas oo aan illaa aan ka noqsey mid isagu meel mari kara, Hadii aan wax yar kataabto nolosha dadka kudhaqan gobolkaan godey runtii waxay isugu jirtey sadex dabaqadood 1: dabaqada koobaad ayaa waxey ahaa yeen dad ganacsato ah oo hantiilayaal ah kuwaas oo bulshada kudhaqan gobolka ay ka muuqaal duwanyihiin. 2: dabaqada labaad waa dad meel dhaxaad ah kuwaas oo ubadan kuwo ganacsiga noocyadiisa kala duwan ku heysta ama eheladooda ay dibadaha ugu maqanyihiin kuwaas oo nolol maal meedkooda hella. 3: iyo dabaqada sadexaad oo ah dadka danyarta ah ee aan heysan nolol kufilan kuwaas oo ay ku maareyn karaan nolashooda guud Hadii aan halkaa ooga gudbo nolasha bulshada halkaa kudhaqan, oo aan kasii amba qaado taariikhdeyda waxaan gobolkaa kunoolaa illaa 17 sanadood halkaa oo aan ku heystey nolol ku dhisan farxad, xiiso gaar ah, IWM == Dhanka waxbarashada== waxbarashadeyda waxaa iigu horeysay oo aan bilaabey sandii 1998 waxaana bilaabey dugsi qur'aamka oo ay muslimiinta ama soomaalida markuu ilmahooda gaaro xiliga waxbarashada ugu hor bilaabaan dugsi qur'amka maadaama aynu nahey dad muslimiin ah sanadii 1999 waxaa aan bilaabey waxbarashadeyda dugsiga hoose ee ows ee gobolka godey waxaan waxbarashadii watey waxa aan u gudbey Dugsiga hoose/dhexe ee ugaas mashkooke sanadii 2006 iyadoo aan halkaa kabilaabey waxrashada dugsiga hoose/dhexe, waxaa aan fursad uhellay in aan isla sanadkaas gudihiisa waxbarashada galaaska 8aad ee isla dugsigaas, waxaana foomka kabuuxiyey gaba gabadiina aan ufariistey imtaxaamkii galaaska 8aad iadoo aan galaaska 7aadna aan ufariistey isla sanadkaas gudihiisa, Kadib natiijadii imtixaamka markey timid ayaa waxaan kamid noqdey ardeyda ugudbeysa dugsiga sare ee gode high school waxaana isku diyaariyey waxbarashadeyda dugsiga sare waxaana sandaas 2007 iyo 2008 uga baxey dugsiga sare galaasyada 9aad iyo 10aadxiligii ay isoo gaartey natiijadii sanadkaas oo aan rabey in aan uga gudbo galaaska 11aad ayaa waxaa aan usoo kacatimey Dalka kenya arimo qoyskeyga kusaabsan waxaana imaadey xerada ifo ee dagmada dadaab ee waqooyi bari dalkan kenya runtii nolosha qaxootinimo waa mid aad isaga dhib badan marka loo eego tan caadiga ah sanad markii aan kunoolaa ifo oo aan kawaayey wax macluumaad quman oo aan kuhiigsan karo waxbarashadeyda iyo nolosha qaxootinimo ayaan isaga soo tagey oo aan imaadey, caasimada nairobi ee dalkan kenya hadana waxaan kusuganahey nairobi insha allah waxaan jeclahey in aan rajo wanaagsan iyo nolol fiican aan hiigsan doono ==Waxyaabaha aan jeclahey== Hadii aan waxyar kataabto waxyaabaha aan jeclahey Dhanka luuqadaha waxaan jeclahey marka ugu horeyso luuqada, Arabiga tan labaadna waa luuqada english ka Waxyaabaha kale ee aan xiiseeyo Dhanka sports ka waxaan xiiseeyee footboll ka, dabaasha, iyo ciyaarta barafka Dhanka ax akhriska buugaagta taariikhda ka hadla, taariikhda islaamka, taariikhaha shaqsiyaadka caanka ah, iyo taariikhda goobaha iskusoo wada duuduuboo sxbyaal anigu waxaan ahey mid marwalbaba jecel farxada maxaa yeelay markii horaa la iigu magac darey faarax waxaana idin leeyahey wabilahi towfik wasalam ala'ikum warahmatulahi ta'ala wabarakatu All content in the above text box is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike license Version 4 and was originally sourced from https://so.wikipedia.org/w/index.php?oldid=91649.
![]() ![]() This site is not affiliated with or endorsed in any way by the Wikimedia Foundation or any of its affiliates. In fact, we fucking despise them.
|