Difference between revisions 141466 and 141467 on sowiki

{{Infobox Region|
name_local = Gedo|
region_type = Gobolka|
region_type_local = Gedo|
region_of_link = Soomaaliya|
region_of_name = Soomaaliya|
region_of_name_local = |
capital = Garbahaarey|
(contracted; show full)
Gobolka gedo mareexaan waxa uga badan beelaha digil iyo mirifleh

==Gobolnimadii iyo Degmooyinka Gedo==
Maamulkii gumeysiga iyo dowladihii dhexe ee Soomaaliya badadiyaa iskuma mashquulin maamul hoosaadka ummada Soomaaliyeed. Talyaani iyo Ingiriis mar walba danta ay ka lahaayeen Soomaaliya ayay fushanayeen markii la iska rogay reeryada gumeysi, 
dDowladihii noo dhashay habkii gumeysigkadanbeeyey wax horumar ah oo lataaban karo kama ayayn sii daadihiyeen. Dowladdii hore ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre gobalka Gedo wuxuu ahaa todobo dagmoameynin gobolka Gedo oo kamid ah gobolada ugu khayraadka badan Soomaaliya.

Gedo waa gobolka kelliya ee Soomaaliya ku yaal ee ey maraan laba webi Sida degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow waxaa mara wabiga Daawo, halka degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere uu Maro webiga Jubba, Degmada Luuq waa meel Jasiirad oo kale ah oo biyo ku hareereysan yihiin waxaana laga galaa Buundo aad u weyn oo ey dhistey Dowladii Hore ee Soomaaliya waana meelaha Soomaaliya ugu Barwaaqada badan oo sanadka oo idil dhirteedu ey cagaaran tahey,degmada Luuq waa halka uu ka bilowdo wabiga Jubba waxaana uu ka semysaa isku darka Sadexda webi ee Ganaane, Daawo,iyo weyb ee ka kala yimaada dalalka Kenya iyo Ethiopia waxaa kaloo jirta iyana il biyo leh oo u dhow degmada oo qeyb weyn ka qaadata biyaha webiga Jubba. dhamaan degmooyinka Gobolka intiisa badan waxaa degan beesha Mareexaan. Qaar ka mid ah tuulooyinka Degmooyinka Luuq waxaa wax ka dega Beelaha Raxanweyn iyo Dir,daaqa iyo QeKhayraadka gobolka waa mid loo wada siman yahey. Beesha Cowlyahan ee Ogaadeen ayaa degto Degmada Baardheere kana mid aha beelihi ka qeyb galay jihaadki Baardheere beesha waxay dagaal la gashay xukunkii siyaad bare badankoodna ka qaxeen dagaladas loo adeeg sanaha yey Cidamadii Dawladda iyo jabhado beesha mareexaan oo dowladi marka ka haystay Tageero badan.mareexaan waxa uu soo degey gobolka gedo sanadihii qarnigii 18 naad xiligaas oo inta badan dulka lagakiciyay Boranay.

==Ganacsiga Degmooyinka Gedo==
Nolosha dhaqandhaqaale ee gobolka Gedo wuxuu ku salaysanyahay lafdhabarna ah xoolaha nool iyo waxsoosaarka beeraha.

Gedo waa gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed ee hodanka u ah beeraha, xoolaha nool. Waxaa intaas goblka Gedo u dheer isaga oo dhaca xaduudo in ganacsiga u kala goosha wadamada uu xarun dhexe u hayay. Magaalooyinka [[Baardheere]], [[Luuq]] iyo Balad Xaawo ayaa ugu dhaqdhaqaaq badan.

==Waxbarashada==
Gobolka Gedo waxaa ka dhisan nidaamyo waxbarasho walow aysan jirin dalad midaysa iyo Gudoon Waxbarasho oo heer degmo ama gobol ah.

Magaalooyin madaxda degmooyinka Gobolka Gedo sida Baardheere, Garbahaarreey, Luuq iyo Buurdhuubo waxaa ka jira dugsiyo waxbarasho oo leh heerar kala duwan. Magaalada Baardheere waxaa ku yaal Jaamacada Gedo iyo Kulyada Farsamada Baardheere ee [[Bardera Polytechnic]].

Ururo waxbarasho oo dadaal muuqda ka wada gobolka ayaa waxay maamulaan iskuulo leh heer hoose/dhexe ilaa sare. Waxaa ururadaas ka mid ah HIRDA, SEHO, G.E.D.O, iyo Markaleey Foundation.


== Degmooyinka gobolka gedo ==

Waa sideed   dagmo
* 1 [[baardheere]]
* 2 [[Luuq ganaane]]
* 3 [[Doolow]] 
* 4 [[Beled Xaawo]]
* 5 [[garbaharay]]
* 6 [[Ceel Waaq]]
* 7 [[karaban]]
* 8 [[Boholgaras]]