Difference between revisions 150272 and 150273 on sowikiGobalka Gedo waxa uudhacaa koonfur galbeed soomaaliya. Gedo waa Gobalka labaad ee ugu weyn Soomaaliya wuxuuna ku xigaa Gobalka bari. waana Gobalka kaliya ee kamid ah Gobalada Soomaaliya ee Xadka la leh labada dal ee Kenya iyo Ethiopia. Waxaana daga qaabiilo fara badan sida dir, daarood iyo digil iyo mirifle qabiilka ugu badan oo dago waa mareexaan. Gedo waxay ku jirtay deegaanada Soomaaliyeed ee nooca walba ula dagaalamay ; gumeystihii reer Yurub. (contracted; show full)areereysan yihiin waxaana laga galaa Buundo aad u weyn oo ey dhistey Dowladii Hore ee Soomaaliya waana meelaha Soomaaliya ugu Barwaaqada badan oo sanadka oo idil dhirteedu ey cagaaran tahey,degmada Luuq waa halka uu ka bilowdo wabiga Jubba waxaana uu ka semysaa isku darka Sadexda webi ee Ganaane, Daawo,iyo weyb ee ka kala yimaada dalalka Kenya iyo Ethiopia waxaa kaloo jirta iyana il biyo leh oo u dhow degmada oo qeyb weyn ka qaadata biyaha webiga Jubba. dhamaan degmooyinka Gobolka intiisa badan waxaa dagan Mareexaan-Draadood, Raxanweyn iyo Dir,daaqa iyo Khayraadka gobolka waa mid loo wada siman yahay. == Ganacsiga Degmooyinka Gedo == Nolosha dhaqandhaqaale ee gobolka Gedo wuxuu ku salaysanyahay lafdhabarna ah xoolaha nool iyo waxsoosaarka beeraha. Gedo waa gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed ee hodanka u ah beeraha, xoolaha nool. Waxaa intaas goblka Gedo u dheer isaga oo dhaca xaduudo in ganacsiga u kala goosha wadamada uu xarun dhexe u hayay. Magaalooyinka [[Baardheere]], [[Luuq]] iyo Balad Xaawo ayaa ugu dhaqdhaqaaq badan. == Waxbarashada == Gobolka Gedo waxaa ka dhisan nidaamyo waxbarasho walow aysan jirin dalad midaysa iyo Gudoon Waxbarasho oo heer degmo ama gobol ah. Magaalooyin madaxda degmooyinka Gobolka Gedo sida Baardheere, Garbahaarreey, Luuq iyo ganaaneGarb jira dugsiyo waxbarasho oo leh heerar kala duwan. Magaalada Baardheere waxaa ku yaal Jaamacada Gedo iyo Kulyada Farsamada Baardheere ee [[Bardera Polytechnic]]. Ururo waxbarasho oo dadaal muuqda ka wada gobolka ayaa waxay maamulaan iskuulo leh heer hoose/dhexe ilaa sare. Waxaa ururadaas ka mid ah HIRDA, SEHO, G.E.D.O, iyo Markaleey Foundation. == Degmooyinka gobolka gedo == Waa tobban dagmo * 1 [[baardheere]] * 2 [[Luuq ganaane]] * 3 [[Doolow]] * 4.garbahaareey * 5.buurdhuubo * 6.ceelwaaq *7.beledxaawo * 8. Ceelcade *9. Suriyo *10.tuulobarwaaaqo {{Gobolada Soomaaliya}} All content in the above text box is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike license Version 4 and was originally sourced from https://so.wikipedia.org/w/index.php?diff=prev&oldid=150273.
![]() ![]() This site is not affiliated with or endorsed in any way by the Wikimedia Foundation or any of its affiliates. In fact, we fucking despise them.
|